KHAATUMO ONLINE TV

KHAATUMO ONLINE TV WAXA UU DIIN SOO DAYN DOONAA
WARAR KII UDANBEEYAY IYO DHACDOOYINKA CAALAMKA

WARARKA

Macalimiinta Kenya Oo Sameeyay Shaqajoojin Gashay Maalintii Labaad

Posted by laascaanood on September 4, 2012 at 9:50 AM Comments comments (0)

Macaliinta Kenya Oo Sameeyay Shaqa Joojin Gashay Maalintii Labaad, Macalimiitan Oo Tiradoodu Gaadhayaan Illaa 300,000 Ayaa Waxay Saamayn Wayn Ku Yeelatay Ardayda wax Ka Dhigta Schoolada Kenya.

Gobolka Waqooyi Bari Ardayda kunoo oo ay ku nool yihiin dadka Kenyanka u dhashay kana soo jeeda Soomaalida ayaa waxay samayn wayn ku yeelatay shaqa joojinta ay sameeyeen Macalimiintani kuwaas oo ah kuwa ka cabanaya lacagta ay dawladdu siiso oo ah mid aan ku filayn .

Waalidiinta ku dhaqan gobolkaa ayaa waxay dawladda ku eedeeyeen in ay iyadu wado tacadiyada lagu hayo Macalimiinta oo ay sheegeen in ay siin lacag ku filan Macalimiinta,Kana codsaday in ay sida ugu dhakhsaha badan ay u xaliyaan dhibka ka jira Macalimiinta ay u kor dhiyaan lacagta.

Dhanka kale wasiirka wax barashada Kenya Mutula Kilonzo ayaa ugu baaqay Macalimiinta in ay shaqada ku laabtaan hadii ay ku laaban waayaan ay ka jari doonaan lacagta inta maal-mood ee ay maqan yihiin.

Wasiirka ayaa sheegay in ay Macalimiintu sameeyaan mar kasta oo ay soo dhawyihiin doorashooyinku arinkan oo kale tana ay tahay muran siyaasadeed hase yeeshee aanan yeelli doonin ayuu yiri wasiirka wax barashada .

Waxa jiray heshiis ay galeen Macalimiinta iyo dawladda Kenya kaas oo ay galeen sanadkii 1997 oo ahayd in loo kordhiyo lacagta 100kiiba 300 kaas oo ay sheegeen macalimiintu in uu wali taagan yahay.

Xaga kale iskuulada gaarka loo leeyahay ayaa iyagu ah kuwa aysan wax saamayn ah aysan ku yeelan arrinta shaqa joojinta Macalimiinta oo iyagu si caadi ah u dhiga wax barashadii kuwaas oo iyagu heshiis kula gala Macalimiinta siiyana waxa ay kula galaan markaas.

Midowga Afrika oo shaaciyay in Guddiga Xulista Xidhibaannada loo diro Fariimo loogu sheegayo in la dili doono(Warbixin)

Posted by laascaanood on August 14, 2012 at 10:30 AM Comments comments (0)

Ururka Midowga Afirka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin hanjabaado dil ah oo loo dirayo guddiga farsamada ee xulitaanka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka, kuwaasoo ay sheegeen inay ka dambeeyaan shaqsiyaad doonaya in xildhibaanno ay wataan loogu daro xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Wafula Wamunyinyi ayaa hoosta ka xariiqay in shaqsiyaadkaas ay doonayaan inay handadaan xubno ugu yeeshaan baarlamaanka, sidoo kalena ay madaxda siyaasadda Soomaalidu ay faragelin ku hayaan gudigga xulista xidhibaannada ee TCS-ka loo yaqaan.

“Waxaan cambaareynaynaa tallaabo walba oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo hannaanka lagu doonayo in lagu soo gabgabeeyo xillliga KMG ah ee Soomaaliya; Midowga Afrikana waxaa ka go’an inuu taageero shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga bixi lahaayeen KMG-nimada,” ayuu yiri Wamunyinyi.

Sidoo kale, Wafula wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay tallaabo muuqata ka qaataan shaqsiyaadka carqaladeynaya ka bixitaanka xilliga meel ku gaarka ah, isla markaana aan loo ogolaan kuwa qaswadayaasha ah inay carqaladooda sii wataan.

“Hanjabaadaha la dirayo ma noqon doonaan kuwo horjoogsada hannaanka lagu soo afjarayo xilliga KMG ah si horay loogu socdo, waana sii soconaysaa in aqoontooda lagu soo doorto xildhibaannada cusub,” ayuu ku xigeenka ergaygu ku yiri qoraal uu soo saaray maanta oo Talaado ah.

Ergaygu wuxuu sheegay inaysan AMISOM fursad siin doonin kuwa doonaya inay carqalad ku abuuraan hannaanka Soomaaliya uga baxayso rasbshadihii soo jiray tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Ugu dambeyn, Wamunyinyi wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaalida inay horay u sii wadaan howsha lagu dhameystirayo xilliga ku meel gaarka ah, ayna ka shaqeeyaan sidii amaanka Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka loo xoojin lahaa.

Danjire Augustine Mahiga oo sheegay in Toddobaadka soo socda lasoo dooran doono Afhayeenka Baarlmaanka iyo Madaxweyn

Posted by laascaanood on August 14, 2012 at 10:10 AM Comments comments (0)

Muqdishu (allssc) — Danjire Augustine Mahiga oo ah ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in toddobaadka soo socda lasoo dooran doono afhayeenka baarlamaanka, ku xigeennadiisa iyo madaxweynaha. Ergayga ayaa sheegay inay rajo weyn ka qabaan todobaadkan in lagu soo dhameystio xulidda baarlamaanka cusub ee Soomaaliya si ay howsha baarlamaanka u billaabato toddobaadka soo socda. “Waxaynu ku jirnaa dhameystirka xilliga KMG ah, toddobaadkan waxaa la hirgelin doonaa baarlamaan ka kooban 275 xubnood, kuwaasoo toddobaadka soo socda soo dooran dooran doona guddoomiyaha, ku xigeennadiisa iyo madaxweyne, waxaana ku rajo weynnahay in wax walba lagu dhameystiri doono waqtigii harsan,” ayuu yiri Mahiga oo wareysi siinayay BBC-da. Danjire Mahiga oo la weydiiyay inay baqdin ka qabaan in waqtiga uu dib u dhaco, maadaama xidhibaanno ka mid ah kuwa lasoo xulay dib loogu celiyay odayaasha, ayaa wuxuu sheegay in la haysto waqti ku filan in howsha dhiman lagu qabto, isagoo sheegay in odayaashu ay hayaan magacyada dad ay ku bedeli karaan kuwa la diiday. Sidoo kale, su’aal kale oo ahayd inay jirto qaylo-dhaan ka timid dadweyaha oo ku saabsanayd laaluush bixin iyo hanjabaad, ayaa kaga jawaabay: “waxaan rajo weyn ku qabnaa in dowladda soo socota ay sameyn doonto aasaasyo sharci ah oo tallaabo looga qaadi doono arrimahan loogu talo-galay in la isku hortaago in la dhameystiro xilliga KMG ah.” Danjire Mahiga wuxuu sheegay inay iyagu horay u caddeeyeen in musuqmaasuqa jira ay kaga jawaabayaan cunno-qabteyn, balse ma uusan sheegin go’aanka laga filayo inay dowladda KMG ah ka qaato arrintan. “Waxaan ku kalsoonnahay inay jiraan dad aad u badan oo ceeb ka saliim ah iyadoo baaritaannada iyo tijaabooyinka la marsiinayo murashaxiinta baarlamanka ay tahay sidii lagu badbaadin lahaa sharafta iyo hannaanka daacadnimada, waxaana leennahay guddi farsamo, mid xulid iyo kormeerayaal caalam ah kuwaasoo oo runtii tilmaamay magacyo xoogaa ah,” ayuu danjire Mahiga kaga jawaabay su’aal ahayd kalsoonida lagu qabi karo xildhibaanno laaluush ku yimid. Wakiilku wuxuu sheegay in xildhibaannada maray imtixaanaadka iyo xaqiijinta ay noqon doonaan kuwo lagu kalsoon yahay, isagoo xusay inay awood u yeelanayaan inay dhex istaagaan gudaha baarlamaanka soo socda iyo inay gaarno go’aamo horseedi doona dowlad wanaag. Ugu dameyn, mar uu ka hadlay ammaanka ayuu sheegay in xaaladda ammaan ee Muqdisho ay tahay hadda tahay mid wanaagsan, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay dilal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, wuxuuna xusay in ammaanka ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM iyo iyo kuwa DKMG ah. Hadalka danjire Mahiga ayaa kusoo beegmaya iyadoo dadaal xooggan loogu jiro sidii xildhibaannada baarlamaanka loogu dhawaaqi lahaa, waxayna guddiga ku howlan xulista xildhibaannada ay sheegeen inay ku jiraan kala saarista magacyada xubnaha loosoo gudbiyay.

War Deg Deg Ah:Dayuuradihii Uganda Oo Lala'aa Oo Mid Ka Mid Ahi Bur-Burtay

Posted by laascaanood on August 13, 2012 at 8:20 AM Comments comments (0)

 

Diyaaradihii Uganda Ee Lala’aa Ayaa Mid Ka Mid Ah Ku Bur-Burtay Buurta Caanka Ah Ee Lagu Magacaabo Mounty Kenya Oo Kutaala Kenya,Sida Uu Saxaafada U Sheegay...

Sida Uu Saxaafada U Sheegay Sarkaal Katirsan Policeka Kenya Oo Lagu Magacaabp Francis Munyambu.

Dadaal ay muujiyeen Ciidamada Policeka Kenya oo ay ku raad goobayeen Dayuuradihii Uganda ee lawaayay Axadii ayaa waxa ay heleen Ciidamada Policeka Kenya mid ka mid ah dayuuradihii oo ku bur-burtay Buurta way nee lagu magacaabo Mt-Kenya siada uu u sheegay saxaafada sarkaal ka tirsan Ciidamada Policeka Kenya ee gobolka Central Provence ama gobolka dhexe sarkaal kaas oo lagu magacaabo Francis Munyambu.

Sarkaalkan ayaa waxa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo sababta ay u soo dhacday diyaaradani”waxana uu yirri waanu baadhi doonaa marka aanu helno sababta ay u soo dhacdayna waasu shaacin doonaa”.

Sarkaalka ayaa waxa uu intaa raacshay Helicobter tii labaad waxaan u malaynaynaa in ay ku jirto iyana kaynta Meru iyana waan ku raad joognaa mesha ay ku dan baysay warar aan ka haynana saas ayay sheegayan laakiin waan sugayna illaa inta aanu ka helayno cadayn buuxda ayuu yiri sarkaalku.

Dhanka kale sadexdan diyaaradood eel ala’aa ayaa mid ka mid ah Pilot kii waday ama duuliyihii ayaa waxa u la soo xidhiidhay sarkaal ka ku sugan Nairobi oo uu u sheegay in ay bad-baadiyaan waxa aanu ku suganahay Mount Kenya Magacaygu waa Bogita Ongeri sarkaalkii soo hadalay”ayaa yiri sidaa.

Diyaaradahan oo ka koobnaa Afar diyaaradood ayaa waxaa ka bad-baaday mid ka mi ah oo soo gaadhay Wajer Kenya halka la waayay sadex mid ka mid ahna la helay hada iyada oo ku bur-burtay Mount Kenya Kaynta layiraahdo oo Kenya ku taala sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Policeka Kenya.

Diyaaradahan ayaa waxay ka soo qaadeen Uganda Ciidamo aan tiradooda la shaacin iyaga oo ka soo kicitimay Gag-Gida Diyaaradaha ee Entebbe .

Ciidamadan ayaa waxay ka mid noqon lahaayeen kuwa Nabad ilaalinta u jooga soo maaliya ee AMISON.


KA DAAWO HALKAN WARYSIYO IYO MUUQAALADA SSC

129 views - 0 comments
127 views - 0 comments
226 views - 0 comments
685 views - 0 comments

SUBSCRIBE TO OUR SITE

KU QOR HALKAN FIKIRKAAGA FADLAN RIIX HADII AAD HAYSO FIKIR WANAAGSAN

  • SIDEE AYAY U MIDOOBI KARAAN DHALINTA SSC

    waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan dhalinta ssc waxaan ahay xubin ka tirsan sscyouth waxaan ilahay ka bar yayaa in aan midawno waan idin salaamayaa wll mcn all SSCYOUTH
  • SIDEE AYAY U MIDOOBI KARAAN DHALINTA SSC

    waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan dhalinta ssc waxaan ahay xubin ka tirsan sscyouth waxaan ilahay ka bar yayaa in aan midawno waan idin salaamayaa wll mcn all SSCYOUTH

BOGA AAN FACEBOOK KU LEENAHAY FALLOW US ON FACEBOOK PAGE LIKE