KHAATUMO ONLINE TV

KHAATUMO ONLINE TV WAXA UU DIIN SOO DAYN DOONAA
WARAR KII UDANBEEYAY IYO DHACDOOYINKA CAALAMKA

WARARKA

Danjire Augustine Mahiga oo sheegay in Toddobaadka soo socda lasoo dooran doono Afhayeenka Baarlmaanka iyo Madaxweyn

Posted by laascaanood on August 14, 2012 at 10:10 AM

Muqdishu (allssc) — Danjire Augustine Mahiga oo ah ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in toddobaadka soo socda lasoo dooran doono afhayeenka baarlamaanka, ku xigeennadiisa iyo madaxweynaha. Ergayga ayaa sheegay inay rajo weyn ka qabaan todobaadkan in lagu soo dhameystio xulidda baarlamaanka cusub ee Soomaaliya si ay howsha baarlamaanka u billaabato toddobaadka soo socda. “Waxaynu ku jirnaa dhameystirka xilliga KMG ah, toddobaadkan waxaa la hirgelin doonaa baarlamaan ka kooban 275 xubnood, kuwaasoo toddobaadka soo socda soo dooran dooran doona guddoomiyaha, ku xigeennadiisa iyo madaxweyne, waxaana ku rajo weynnahay in wax walba lagu dhameystiri doono waqtigii harsan,” ayuu yiri Mahiga oo wareysi siinayay BBC-da. Danjire Mahiga oo la weydiiyay inay baqdin ka qabaan in waqtiga uu dib u dhaco, maadaama xidhibaanno ka mid ah kuwa lasoo xulay dib loogu celiyay odayaasha, ayaa wuxuu sheegay in la haysto waqti ku filan in howsha dhiman lagu qabto, isagoo sheegay in odayaashu ay hayaan magacyada dad ay ku bedeli karaan kuwa la diiday. Sidoo kale, su’aal kale oo ahayd inay jirto qaylo-dhaan ka timid dadweyaha oo ku saabsanayd laaluush bixin iyo hanjabaad, ayaa kaga jawaabay: “waxaan rajo weyn ku qabnaa in dowladda soo socota ay sameyn doonto aasaasyo sharci ah oo tallaabo looga qaadi doono arrimahan loogu talo-galay in la isku hortaago in la dhameystiro xilliga KMG ah.” Danjire Mahiga wuxuu sheegay inay iyagu horay u caddeeyeen in musuqmaasuqa jira ay kaga jawaabayaan cunno-qabteyn, balse ma uusan sheegin go’aanka laga filayo inay dowladda KMG ah ka qaato arrintan. “Waxaan ku kalsoonnahay inay jiraan dad aad u badan oo ceeb ka saliim ah iyadoo baaritaannada iyo tijaabooyinka la marsiinayo murashaxiinta baarlamanka ay tahay sidii lagu badbaadin lahaa sharafta iyo hannaanka daacadnimada, waxaana leennahay guddi farsamo, mid xulid iyo kormeerayaal caalam ah kuwaasoo oo runtii tilmaamay magacyo xoogaa ah,” ayuu danjire Mahiga kaga jawaabay su’aal ahayd kalsoonida lagu qabi karo xildhibaanno laaluush ku yimid. Wakiilku wuxuu sheegay in xildhibaannada maray imtixaanaadka iyo xaqiijinta ay noqon doonaan kuwo lagu kalsoon yahay, isagoo xusay inay awood u yeelanayaan inay dhex istaagaan gudaha baarlamaanka soo socda iyo inay gaarno go’aamo horseedi doona dowlad wanaag. Ugu dameyn, mar uu ka hadlay ammaanka ayuu sheegay in xaaladda ammaan ee Muqdisho ay tahay hadda tahay mid wanaagsan, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay dilal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, wuxuuna xusay in ammaanka ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM iyo iyo kuwa DKMG ah. Hadalka danjire Mahiga ayaa kusoo beegmaya iyadoo dadaal xooggan loogu jiro sidii xildhibaannada baarlamaanka loogu dhawaaqi lahaa, waxayna guddiga ku howlan xulista xildhibaannada ay sheegeen inay ku jiraan kala saarista magacyada xubnaha loosoo gudbiyay.

Categories: AFRICA NEWS

Post a Comment

Oops!

Oops, you forgot something.

Oops!

The words you entered did not match the given text. Please try again.

Already a member? Sign In

0 Comments

KA DAAWO HALKAN WARYSIYO IYO MUUQAALADA SSC

141 views - 0 comments
137 views - 0 comments
243 views - 0 comments
700 views - 0 comments

SUBSCRIBE TO OUR SITE

KU QOR HALKAN FIKIRKAAGA FADLAN RIIX HADII AAD HAYSO FIKIR WANAAGSAN

  • SIDEE AYAY U MIDOOBI KARAAN DHALINTA SSC

    waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan dhalinta ssc waxaan ahay xubin ka tirsan sscyouth waxaan ilahay ka bar yayaa in aan midawno waan idin salaamayaa wll mcn all SSCYOUTH
  • SIDEE AYAY U MIDOOBI KARAAN DHALINTA SSC

    waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan dhalinta ssc waxaan ahay xubin ka tirsan sscyouth waxaan ilahay ka bar yayaa in aan midawno waan idin salaamayaa wll mcn all SSCYOUTH

BOGA AAN FACEBOOK KU LEENAHAY FALLOW US ON FACEBOOK PAGE LIKE