KHAATUMO ONLINE TV

KHAATUMO ONLINE TV WAXA UU DIIN SOO DAYN DOONAA
WARAR KII UDANBEEYAY IYO DHACDOOYINKA CAALAMKA

WARARKA

Midowga Afrika oo shaaciyay in Guddiga Xulista Xidhibaannada loo diro Fariimo loogu sheegayo in la dili doono(Warbixin)

Posted by laascaanood on August 14, 2012 at 10:30 AM

Ururka Midowga Afirka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin hanjabaado dil ah oo loo dirayo guddiga farsamada ee xulitaanka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka, kuwaasoo ay sheegeen inay ka dambeeyaan shaqsiyaad doonaya in xildhibaanno ay wataan loogu daro xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Wafula Wamunyinyi ayaa hoosta ka xariiqay in shaqsiyaadkaas ay doonayaan inay handadaan xubno ugu yeeshaan baarlamaanka, sidoo kalena ay madaxda siyaasadda Soomaalidu ay faragelin ku hayaan gudigga xulista xidhibaannada ee TCS-ka loo yaqaan.

“Waxaan cambaareynaynaa tallaabo walba oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo hannaanka lagu doonayo in lagu soo gabgabeeyo xillliga KMG ah ee Soomaaliya; Midowga Afrikana waxaa ka go’an inuu taageero shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga bixi lahaayeen KMG-nimada,” ayuu yiri Wamunyinyi.

Sidoo kale, Wafula wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay tallaabo muuqata ka qaataan shaqsiyaadka carqaladeynaya ka bixitaanka xilliga meel ku gaarka ah, isla markaana aan loo ogolaan kuwa qaswadayaasha ah inay carqaladooda sii wataan.

“Hanjabaadaha la dirayo ma noqon doonaan kuwo horjoogsada hannaanka lagu soo afjarayo xilliga KMG ah si horay loogu socdo, waana sii soconaysaa in aqoontooda lagu soo doorto xildhibaannada cusub,” ayuu ku xigeenka ergaygu ku yiri qoraal uu soo saaray maanta oo Talaado ah.

Ergaygu wuxuu sheegay inaysan AMISOM fursad siin doonin kuwa doonaya inay carqalad ku abuuraan hannaanka Soomaaliya uga baxayso rasbshadihii soo jiray tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Ugu dambeyn, Wamunyinyi wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaalida inay horay u sii wadaan howsha lagu dhameystirayo xilliga ku meel gaarka ah, ayna ka shaqeeyaan sidii amaanka Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka loo xoojin lahaa.

Categories: AFRICA NEWS

Post a Comment

Oops!

Oops, you forgot something.

Oops!

The words you entered did not match the given text. Please try again.

Already a member? Sign In

0 Comments

KA DAAWO HALKAN WARYSIYO IYO MUUQAALADA SSC

141 views - 0 comments
137 views - 0 comments
243 views - 0 comments
700 views - 0 comments

SUBSCRIBE TO OUR SITE

KU QOR HALKAN FIKIRKAAGA FADLAN RIIX HADII AAD HAYSO FIKIR WANAAGSAN

  • SIDEE AYAY U MIDOOBI KARAAN DHALINTA SSC

    waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan dhalinta ssc waxaan ahay xubin ka tirsan sscyouth waxaan ilahay ka bar yayaa in aan midawno waan idin salaamayaa wll mcn all SSCYOUTH
  • SIDEE AYAY U MIDOOBI KARAAN DHALINTA SSC

    waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan dhalinta ssc waxaan ahay xubin ka tirsan sscyouth waxaan ilahay ka bar yayaa in aan midawno waan idin salaamayaa wll mcn all SSCYOUTH

BOGA AAN FACEBOOK KU LEENAHAY FALLOW US ON FACEBOOK PAGE LIKE